Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo ka hadlay fataahadaha ka da’ay qeybo ka mid ah gobollada dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay daadadka ku soo rogmaday qaar ka mid ah gobollada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga digay shacabka ku nool meelaha biyo mareenada inay halkaasi ku sii sugnaadaan.

"Hay'adaha deeqaha bixiya waa inay si dhow ula socdaan musiibadan socota oo ay bixiyaan gargaar ka badan kii hore." ayuu yiri goddoomiyaha.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay ganacsatada in ay gargaar la soo gaaraan dadka dhibaateysan.

Dalka waxaa ka dhacay fatahaado ka dhashay biyaha roobka ee da’ay, kuwaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM