Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo ka hadlay fataahadaha ka da’ay qeybo ka mid ah gobollada dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay daadadka ku soo rogmaday qaar ka mid ah gobollada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga digay shacabka ku nool meelaha biyo mareenada inay halkaasi ku sii sugnaadaan.

"Hay'adaha deeqaha bixiya waa inay si dhow ula socdaan musiibadan socota oo ay bixiyaan gargaar ka badan kii hore." ayuu yiri goddoomiyaha.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay ganacsatada in ay gargaar la soo gaaraan dadka dhibaateysan.

Dalka waxaa ka dhacay fatahaado ka dhashay biyaha roobka ee da’ay, kuwaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM