Guddoomiyaha Banaadir oo joojiyay dhismo ka socday Xamar Jajab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa soo saaray warqad uu ku joojinayoo dhisme ka socda dhul ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab.

Amarkan ayaa soo baxay, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir, kuwaasoo sheegay in dhismahaas uu yahay mid sharci darro ah islamarkaana lagu boobayo dhulka danta Guud ee Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa faray maamulka degmada Xamar jajab inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismuhu ka socday, wuxuuna hay’adaha ammaanka ku wargeliyey inay tallaabo ka qaadaan cid walba oo isku dayda dhismaha dhulkan.

“Cid walba oo isku dayda in dhulka danta guud ay dhismeyaal sharci darro ah ka sameyso tallaabo ayaan ka qaadi doonaa, joojinta dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ka soo horjeeda dekedda magaalada Muqdisho waa tallaabo aan uga golleenahay in dib loogu soo celiyo gacanta dawladda dhulalka danta ee ka maqan," sidaas waxaa yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Cusub, ayaa horey u joojiyay dhisme ka socday Biyaaso Liibaro oo ku yaala Isgoyska Ceelgaabta, taasoo sida la sheegay qayb ka ah Qorshe uu Maayarka cusub ku doonayo inuu kusoo celiyo hantida Qaranka ee sida Sharci darrada ah loo dhistay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM