Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madaxda hay’adaha amniga ku canaantay baxsashadii Sayid Cali

Image

Muqdisho, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay Madaxda Hay’adaha Ammaanka ee magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlay la dagaallanka Al-Shabaab iyo dardar gelinta howlaha amniga guud ee dalka.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale ka hadlay falalka dilka ah ee ka dhacay degaannada kala duwan ee dalka, isagoo ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dambiilayaasha ku xad-gudbay sharciga.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu dhaliilay shaqada Hay’adda Nabad-sugidda, kaddib markii uu ka baxsaday magaalada Muqdisho Eedeysanihii dilay Marxuumad Luul Cacdicasiis.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in Eedeysane Sayed Cali uu ku wajahan yahay gobolada dhexe ee dalka si uu uga baxsado cadaalada, waxaana eedeyn kulul loo jeediyay laamaha amaanka oo ku aadan ka hortagida arintaasi.

Sayid Cali ayaa lagu eedeeyay in uu ​​basiin ku bilbilay kadibna dab qabadsiiyay xaaskiisa oo dhawaan geeriyootay oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis, dhacdadan ayaa waxaa ka dhashay dhaleecayn baahsan, iyadoo baaqyo loo jeedinayo dadka qarinaya eedeysanaha in ay cadaaladda ku soo wareejiyaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM