Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madaxda hay’adaha amniga ku canaantay baxsashadii Sayid Cali

Image

Muqdisho, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay Madaxda Hay’adaha Ammaanka ee magaalada Muqdisho, isagoo kala hadlay la dagaallanka Al-Shabaab iyo dardar gelinta howlaha amniga guud ee dalka.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale ka hadlay falalka dilka ah ee ka dhacay degaannada kala duwan ee dalka, isagoo ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dambiilayaasha ku xad-gudbay sharciga.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu dhaliilay shaqada Hay’adda Nabad-sugidda, kaddib markii uu ka baxsaday magaalada Muqdisho Eedeysanihii dilay Marxuumad Luul Cacdicasiis.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in Eedeysane Sayed Cali uu ku wajahan yahay gobolada dhexe ee dalka si uu uga baxsado cadaalada, waxaana eedeyn kulul loo jeediyay laamaha amaanka oo ku aadan ka hortagida arintaasi.

Sayid Cali ayaa lagu eedeeyay in uu ​​basiin ku bilbilay kadibna dab qabadsiiyay xaaskiisa oo dhawaan geeriyootay oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis, dhacdadan ayaa waxaa ka dhashay dhaleecayn baahsan, iyadoo baaqyo loo jeedinayo dadka qarinaya eedeysanaha in ay cadaaladda ku soo wareejiyaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM