Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo Kismayo tagay

Image

12 January, 2016(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magalada Kismayo xarunta Somalia, halkaas oo kusuganyihiin Ra'isal wasaaraha Somalia, Madaxda maamullada Puntland iyo Koonfur Galbeed Somali.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay Kismayo Prof. Jawari oo markii ugu horraysay tan iyo markii ladoortay booqday xarunta Juubbaland.

Galinka dambe maanta ayaa sidoo kale  lafilayaa inuu tago madaxweynaha Somalia islamarkaana soo laabtaan Axmed Madoobe iyo Cabdikariim Xuseen kuwaasi oo ka qayb galaya shirka maamul usamaynta gobollada Hiiraan iyo Shebeelaha dhexe.

Waxaa dib u dhac kuyimi shir madaxda Somalidu uga hadli lahayd habraaca doorashada 2016, kaaso la qorsheeyay inuu qabsoomo 10 bishan aan ku jirno waloow uu labo jeer dib u dhacay.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaray ayaa tibaaxaya inuu furmayo barri 13 January, wuxuuna socon doonaa maalmo kooban.

Xaaladda magalada Kismayo ayaa sidoo hore kabadalan, waxaana waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha wufuuddu dagantahay la dhoobay ciidamada katirsan kuwa maamulkaasi iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM