Gudoomiyaha degmada Baardheere oo qeylo dhaan u dirsaday Bulshada Soomaaliyeed

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Roobabkii dayrta ee ka da’ay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay sii xoogeystay, waxaana ka dhashay fatahaado sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa ka hadlay roobabka ka da’ay gobolka Gedo oo saameeyeen ku reebay dadka degmada.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf Qorax ayaa sheegay in guud ahaan gobolka ay ka jirto xaalad adag, wuxuuna ugu baaqay dowladda iyo maamulka Jubbaland in gurmad deg deg ah lala soo gaaro qoysaska ay roobabku saameeyeen.

Gobolo kala duwan oo dalka ka tirsan ayaa waxaa ku soo noqnoqday daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM