Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo la weeraray

Image

01 October, 2015(GO)-Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday guriga uu daganyahay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan,Maxamed Cabdulle Fiidow.

Weerarka oo muddo kooban socday, waxaa ku dhaawacmay hal qof oo ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha.

Fiidoow oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa caddeeyay in weerarku dhacay, balse ay iska caabiyeen kooxda oo uu sheegay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Waa markii ugu horaysay fal noocan oo kale ah lala eegto Mas'uulka degmada Jalalaqsi, waxayna ku soo aadaysa xill dhawaan ammaanka gacanta loo galiyay ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka socda dalka Jabuuti.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM