Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka faalla qaaday waxbarashada gabdho agoon ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka faalla qaaday waxbarashada 173 gabdhood oo agoon ah, kuwaas oo wax barta School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha ee ku yaala degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha ayaa go'aankan gaaray ka dib kormeer uu ku tagay School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha halkaas uu ku kala kulmay ardayda iskuulka iyo maamulkaba.

Guddoomiyaha ayaa seegay in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah.

Waxaa Guddoomiye Madaale ku wehliyay kormeerka Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasimaha Waaxda horumarinta ageegyada waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Cujub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM