Gudoomiyaha SODMA oo la guddoon-siiyay shahaado sharaf

Image
Munaasabadan ayaa waxay ka dhacdey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad ballaaran.

Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigayey waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, waxaana goobjoog ka ahaa xafladaan Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallim Fiqi. 

Madashaan waxaa lagu soo bandhigay waxii u qabsoomay sanadkaan 2023 Wasaaradda arrimaha gudaha,iyadoo shacabkii ka soo qaybgalay kulankaan wasiirka iyo Guddoomiyaha SoDMA ay waydiyeen su'aalo la xariira waxa u qabsoomay iyo qorshaha u yaal.

Wasiir Fiqi ayaa shahaado sharaf shaqo wanaag ah guddoonsiiyey Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle kaas oo lagu abaalmariyey shaqada wanaagsan ee dalka iyo dadka uu u hayo.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in wax kasta oo karaankooda ah ka hay'add ahaan ay qabteen, isaga oo ka jawaabay su'aalo la waydiiyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallim Fiqi ayaa ammaanay hoggaanka Hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in ay qabteen shaqo lagu diirsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM