Gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha Hoose oo la khaarijiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi [Carabey] ayaa Arbacada maanta ah lagu khaarijiyey degmadda Afgooye ee gobolkaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyey in Carabey uu u dhintay qarax ka dhashay Bam lagu gannay hoy uu kaga sugnaa magaaladaas 30 KM dhanka jihada Koonfur Galbeed kaga aadan Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa joogitaan badan ku leh gobolkaas hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Inkasta oo aysan wali dusha saaran, haddana falalka noocaan ah iyaga ayaa looga bartay.

Sanadkii 2018-kii, walaalkiisa, Maxamed Carabey oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa u dhintay qarax lagula eegtay magaaladda Marka, xarunta gobolka.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga soo qaadey goobta ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala caasimadda Soomaaliya, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa lagu eedeeyay dhacdadaas oo timid xili amniga gobolka uu ahaa mid faraha kasii baxayey ayna ka dhacayeen falal liddi ku ah.

Gobolka Shabeellaha Hoose oo caan ku ah beeraha ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka socday dhaqdhaqaaq milatari oo ay ciidanka dowladda kula wareegeen degaano dhowr ah.

Maamulka gobolka oo cambaareeyay "falkan argagixiso ee foosha xun" ayaa sheegay in ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska marxuumka, oo lagu waddo in la aaso maalinta berri oo Khamiis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM