​Guuleed oo ka hadlay dagaalka Puntland kasocda

Image

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guleed ayaa maanta ka hadlay dagaal kasocda qaybo kamid ah Puntland ee lagula jiro koox lala xiriirinayo Shabaab oo dhawaan doonyo kasoo raacay deegaanada Xarar-dheere iyo Hobyo.

Guleed ayaa sheegay inay ka xunyihiin dagaalka kasocda Puntland, isagoo sheegay inay kala shaqayndoonaan qaabkii kooxaha argagixisada deegaanadaasi looga saari lahaa, wuxuuna dhinaca kale cadeeyay inay la socdeen dhaq-dhaqaayo kooxdu ka waday deegaano katirsan Galmudug, isagoo tilmaamay inay wali ku suganyihiin maamulkaasi.

Arrintan kooxahan, ayuu tilmaamay inay ugu wacantahay duqaymaha xooggan ee lagula beegsanayo Koofurta dalka Somalia.

Madaxweynaha Galmudug, wuxuu cadeeyay in socdaalka kooxdan Shabaab lala xiriirinayo inay ogaysiiyeen Midowga Yurub, isagoo taa badalkeeda sheegin inay soo wargaliyeen Puntland oo deegaanadeed qaybo kamid ah yimaadeen.

Arrintan, ayaa timi kadib markii uu dagaal xoggan ka bilowday deegaano katirsan Puntland kaasi oo sababay dhimashada mallayshiyaad badan oo kooxdaasi katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM