Guuleed: Puntland waxay mudan tahay ku dayasho

Image
Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey coddeyn qof iyo cod shacabka Puntland u dareereen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu Facebook-giisa ku daabacay wuxuu ku bogaadiyey doorashada qof iyo codka ee ka bilaabatay Puntland.

"Daadajinta hannaanka dowladnimo, dimuqradiyenta iyo in  shacabka  dib loogu celiyo in ay go,aan ka gaaraan hogaamintooda, waa tallaabo ku dayasho mudan," ayuu yiri Guuleed.

Wuxuu raaciyey: "Doorashooyinka golayaasha  deegaanka ee saaka looga dareeray degmooyinka Qardo, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland waa bogaadinayaa, waana talaabo wanaagsan oo dhanka dimuqradiyadda iyo dowlad wanaagga loo qaaday".

"Waxayna tusaale cad u tahay in dalka laga hirgalin karo muddo kooban doorasho qof iyo cod ah, haddii uu jiro rabitaan iyo qorshe dhamaystiran oo hogaanka dalka la yimaaado," ayuu xusay.

Guuleed ayaa ku daray: "Puntland way ku  amaanatahay iyada iyo hoggankeeda siyaasadeed arinkaa. Waana in looga daydaa tallabadan u adeegaysa dawlad dhiska. Doorashadani waa tallaabo horumarineed  iyo muunad lagu dayan karo".

"Hannaanka matalaada ee doorashada tooska ah ku timaada waxay horey u marin kartaa kalsoonida shacabku ku qabo  dawladda. Waxay xoojinaysaa sharciyada dawlada.Waxayna soo noolaynaysaa dhaqan wakhti hore naga burburiyay oo aan mar Afrika horumuud ugu ahayn waa dhaqanka dimuqraadiyada," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Doorashada horudhaca ah ee goleyaasha degaanka ee saaka ka bilowdey Puntand waxaa ku bartamaya sideed urur siyaasadeed kuwaasoo hal bil oo olole ah kadib maanta sugaya natiijo ka qoslin doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM