Hadalo gef ku ah Soomaaliya uuna Trump ka yiri shir gaar ah oo la dusiyey

Image

WASHINGTON, US – Buug ciwaan looga dhigay "Dagaalka Xuduudaha" oo dhowaan soo baxay ayaa sharaxaad buuxda wuxuu ka bixiyey aragtida uu Donald Trump ka qabo Soomaalida gaar ahaan Qaxootiga.

Trump ayaa bilooyinkii ugu horeeyay ee uu xafiiska jooga waxa uu waydiiyey Sii haayaha wasiirkiisii arrimaha gudaha, Elaine Duke, sababta uusan u mamnuucin qaxootiga ka yimaada "Soomaaliyada foosha xun".

Sidda laga soo xigtay Buuga, Trump ayaa rumeysan in soo galootiga Soomaalida ay khatar ku yihiin ammaanka Mareykanka. Trump wuxuu xayiraad socdaalka ah saarey dalal ay Soomaaliya ku jirto.

"Marka laga hadlayo arrimaha qaxootiga, labadooda isaga iyo [Stephen] Miller waxay u muuqdeen kuwa si gaar ah u neceb dalka iyo dadka Soomaaliya," ayuu sheegayaa Buuga oo aad loo iibsaday.

Buuga oo aanan wali si rasmi ah u soo bixin ayaa waxaa la filayaa in dhowaan suuqa la geliyo uuna yeesho saameyn aad u buuran. Nuqulo kamid ah ayaase la dusiyey.

Bishii October 2017-kii, Duke ayaa diiday taladda Trump ee ah in 11 dal gaar ahaan Soomaaliya ay khatar weyn yihiin muhaajiriinta ka timaada. Qorshehaas ayaase dhaqan galay September 2018-kii.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa nan wali ka jawaabin eedeymaha ka dhanka ah madaxweynaha waddankaas, Trump, kuwaasoo ku jira Buugan macluumaadka qarxiyey.

Maamulka uu majaraha u hayo Trump ayaa aad loogu dhaleeceeyaa siyaasadiisa ad-adag ee ka dhanka ah soo galootiga oo inta badan ah bulshadda Ameerika.

Tan iyo markii uu xukuumaddan cusub ay timid, hoos u dhac weyn ayaa ku yimid qaabilaada Qaxootiga ee Mareykanka. Sanadkan 2019-ka, waxaa lagu qiyaasayaa 30-kun, waxaase la filayaa in ay kasii kororto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xayeysiisyada Sigaarka Iyo Saameynta Da’yarta Ku Leeyahay

The Guardian ayaa sheegtay in ay jiraan sababo dhawr ah oo loo aanaynayo in sigaarku…

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 07:23AM

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM