"Halis ka dhalan karta" muddo kororsi uu sameysto Farmaajo oo laga digay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweyne Farmaajo wuu isku deyi doonaa in uu waqti ku darsi sameeyo, balse waxaa ka dhalan karta khatar, sidaas waxaa yiri Medhane Tadesse, lataliye sare oo Midowga Afrika ah.

Mudada xilheynta Farmaajo ayaa dhamaan doonta bisha Febraayo sanadka dambe 2021, waana in doorasho la qabtaa waqtigaas, sidda uu xeerinayo Dastuurka ku meel gaarka ah ee waddanku leeyahay.

Tadesse, oo u waramay wargeyska The Article, ayaa qiray in nidaamka federaalka Soomaaliya uu haatan "halis wajahayo".

Xukuumadda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay kasoo horjeeda nidaamka isla markaana ay burburineyso maamulada aragti ahaan ka duwan.

"Hadii qaab-dhismeedka federaalka uu halis ku jiro, lama filan karo doorashooyin nabdoon, sidda ku xusan dhaqankii hore," ayuu raaciyey.

Farmaajo wuxuu ku adkeystay in uu hirgelin doono coddeyn qof iyo cod ah, balse waxaa ku xeeran shaki badan, iyaddoo dadka  naqdiyey fekerkaas ku doodayaan ammaanka iyo halista Al-Shabaab ka imaaneysa.

Guddiga doorashooyinka ayaa dalbaday 53 milyan oo Doolar si uu ugu qabto doorashooyinka qof iyo cod, oo taariikhi noqon doonta. Balse, wali ma aysan helin maalgelin ku filan.

"Dabcan, Farmaajo wuxuu isku deyi doonaa in uu muddo kororsi sameysto," ayuu tibaaay Tadesse, kaasoo aaminsan in aysan dhabaha u xaari karin doorashooyinka, taas bedelkeeda ay "khatar keeni karto".

Gabagabadii, Tadesse ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Waxay hurineysaa khilaafka iyo qalalasaha Soomaaliya, waxayna fursad siineysaa xoogaga hubeysan, gobolkana waxay ka abuureysaa colaad heerkeedu hooseeyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM