Halista aan lagu baraarug-saneyn ee ka jirta Soomaaliya

Image
Dowlada federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa qaylo-dhaan ba'an kasoo saarey xaaladan.

MUQDISHO, Soomaaliya –  Abaarta Soomaaliya ee "sida degdega ah uga sii dareysa" ayaa keentay in dad ka badan laba milyan oo qof ay wajahaan cunto iyo biyo la’aan daran, sidda ay ka digtey Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Geeska Afrika ayaa hadda "qarka u saaran inuu di'o xilli-roobaadkii afraad oo xiriir ah", sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA) iyo dowladda Soomaaliya.

"Qiyaastii 2.3 milyan oo qof oo ku nool 57 ka mid ah 74-ta degmo - ku dhawaad ​​20 boqolkiiba dadweynaha ku nool degmooyinka ay dhibaatadu saameysey - ayaa waxaa halakeeyey biyo daran, cunto iyo daaq la'aan iyadoo weelasha biyaha iyo ceelasha ay gureen," ayaa lagu yiri bayaankan intaas ku daray in isbeddelka cimilada uu kamid yahay waxyaabaha sababay.

Sanadihii la soo dhaafay, masiibooyinka dabiiciga ah - ma aha iskahorimaadyada - ayaa ahaa sababaha ugu weyn ee barakaca Soomaaliya, oo ah waddan ay dagaalladu aafeeyeen oo ka mid ah kuwa adduunka ugu nugul isbeddelka cimilada.

Soomaaliya waxay la kulantay in ka badan 30 khataro la xidhiidha cimilada tan iyo 1990, ay ka dhaceen 12 abaaro iyo 19 daadad. Heerarka webiyada Jubba iyo Shabeelle waa hooseeyaan waxaana la filayaa inay sii yaraan doonaan bilaha soo socda.

Inta badan Berkadaha iyo ceelashii gacmeedyada ayaa guray, taas oo keentay in bulshadu ku tiirsanaato ceelal riigag ah oo aad u kala fog, inta badanna wax soo saarkoodu aad u yar yahay iyo biyaha tayadoodu liidato.

Dalag-la'aanta ayaa la filayaa inta badan dhulka beeralayda ah. Xaaladaha abaarta ayaa la saadaalinayaa inay ka sii dari doonaan Diisambar 2021 iyo rubuci hore ee 2022.

Sanadkii 2017-kii, abaar ba’an ayaa saameysay in ka badan lix milyan oo qof oo ku nool guud ahaan goboladda Soomaaliya, waxaana ay sababtay masiibo bini’aadantinimo oo soo gaartay dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareysay Hadalka Netanyahu

Cambaareyntan waxay la jaanqaadaysaa jawaabta Sacuudiga, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay Netanyahu.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 09:28AM

Qorshaha Ciidamada Masar kusoo galayaan Soomaaliya oo la diyaariyay

Masar waxay si dhow ula shaqeyneysaa Midowga Afrika iyo Ururka Carabta arrimaha amniga iyo xasiloonida.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 07:29AM