Halkee ayay marayaan wadahadallada DF iyo Somaliland ka dib aqoonsigii SSC-Khatumo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay halka ay marayso wadahadallada labada dhinac, ka dib markii la aqoonsaday Maamulka SSC-Khaatumo.

Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu xusayay 25-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Dusgiga Axmed Guray, ayuu Ergeyga sheegay in wada-hadallada ay sii socon doonaan, isla markaana aysan waxba iska bedelin siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan Somaliland.

Dowladda Federaalka oo uu wakiil ka yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay aqoonsadeen maamulka SSC-Khaatumo ee uu hogaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye.

Talaabadan ayaa waxaa taageeray siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku baaqay in la xoojiyo midnimada, oo lala dagaalamo fikradaha gooni u goosadka ah ee sida xun u saameeya amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM