Halkee ku dambaysay Dacwadii loo haystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii ugu horeysay ka baxay dalka, iyadoo horey dowladda kusoo rogtay xayiraad ahayd inuusan ka dhoofi karin Muqdisho.

Siyaasigan, oo si joogta ah u dhaliila Siyaasadda Villa Soomaaliya ayaa bogiisa Facebook soo geliyay shalay Sawir isagoo ka fadhiya gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kana muuqday wajigiisa dhoola-caddeyn iyo farxad.

Cabdiraxmaan ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya safarkiisii ugu horeeyay oo dalka uga baxo mudo bilooyin ah.

Wali dowladda Federaalka si rasmi ah uma shaacin inay xayiraadda ka qaaday Cabdiraxmaan Cabdishkuur, balse warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helay aya sheegay in Dacwadiiisii ka taallay Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir la baabi'iyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye

Macluumaadka GO ayaa intaasi ku daraya in Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, oo qaraabo dhaw yihiin Siyaasigan Kiiskiisa gebi ahaan la baabi'iyay, islamarkaana laga qaado xayiraadda safarka.

Warar ayaa sheegay in dowladda ay bixisay magdhawga Lix qof oo ku dhintay weerarkii Ciidamada Nabad Sugida ku qaadeen 17-kii bishii December Hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka degan yahay Muqdisho, kaasi sidoo kale isagana lagu dhawacay.

Shan kamid ah lixda qof waxay ahaayeen Askar illaalo u ahayd Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo kamid ahaa musharaxiintii la tartamay Farmaajo doorashadii madaxtinimada Febuary 8, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM