Hay'adda NISA oo xayiraad saartay Lambarada 2,500 qof oo xubno ka ahaa Group-yo ay leeyihiin “AS”

Image
Dadkan ayaa laga mamnuucay gabi ahaan adeegyada ku hadalka OTT sida WhatsApp iyo wixii la mid ah.

Muqdisho, Soomaaliya - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay warmurtiyeed ay ku sheegtay inay soo afjaray ku dhawaad 20 Koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen ‘AS’.

Kooxdaan ayaa u isticmaali jiray Baraha Bulshahda cabsi galinta shacabka Soomaliyeed sida lagu xusay bayaanka, waxaana sidoo kale xayiraad la saaray Lambarada xubnaha ka ahaa Group-yadaan oo gaaraya ilaa 2,500 oo xubnood.

Dadkan ayaa laga mamnuucay gabi ahaan adeegyada ku hadalka OTT sida WhatsApp iyo wixii la mid ah.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri: “Shabakadaha qaar ayaa ahaa kuwo looga shaqaynayay boobka iyo baadda Ganacsactada Soomaaliyeed, iyada oo Lambarada qaarna laga wici jiray Shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ganacsatada iyaga oo weydiinaya in ay baad bixiyaan.”

Hay’adda NISA ayaa sidoo kale degniin u dirtay Shacabka Soomaaliyeed in ay xubin ka noqdaan group, channel ama page ay leeyihiin kooxda ‘AS’ si aanay u wajihin xayiraad iyo in talaabooyin laga qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM