Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay degamada Doolow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta gaarsiisay degamada Doolw ee gobolka Gedo shixnad sidday gargaar loogu talagalay dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmadaas.

Gaargaarka ayaa ka kooban 10 tan, lamana shaacin waxa ay kala yihiin, iyada oo ay ha’adda gaarsiisay dadka ay saameynta ku yeeshay daadadka ka dhashay Roobobka ka da’ay guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado.

Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka magaalada ee ay saameeyeen fatahaada.

Magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka barakaceen dadkii dagnaa, ka dib markii ay ku soo rogamdeen daadad ka dhashay Roobabka ka da’ay magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM