Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image
Boqolaal kun oo Soomaali ah ayay saameyn ku yeelatay fatahaadda wabiga Shabeelle.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hey'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta 30 gaadiid oo sida shixnad gargaar mucaawino ah u dirtay deegaano hoostaga ee Maamulka Hirshabeelle .

Sidoo kale gargaarkaan ayaa waxaa wehliya Doon nuuca dheereysa oo loogu talagaly in dadka go'doonsan lagu badbaadiyo goobaha qaar ee aan gaadiidka tagi karina raashinka lagu gaarsiiyo.

Mucaawinadan iyo doontaan ayaa loogu talagalay in la garsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee sameenta ka soo gaartay Fatahaada wabiga Shabeelle ku nool gudaha degmada Mahadaay iyo tuuloyinka ku xeeran.

Boqolaal kun oo Soomaali ah ayay saameyn ku yeelatay fatahaadda wabiga Shabeelle, iyadoo hay’adaha dowladda ay ugu baaqeen ciddi awoodi karta inay gurmad u fidiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM