Hay’adda SoDMA oo u soo dirtay Baardheere doonyo lagu badbaadinayo shacabka ku go'doonsan

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta laba doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere, sida lagu sheegay bogga rasimga ah ee hay’adda.

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go'doonsan kuwaas oo ay go'domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah.

Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira Raashin, Dhar iyo Daawo waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen.

Waxaana xusid mudan in hay’adda SoDMA ay gaarsiisay degmada Luuq doon nuuca dheereya ah maalmo ka hor.

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay in ay ka jawaabayaan xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo degmooyinkiisa kala duwan kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM