Hay’adda SoDMA oo u soo dirtay Baardheere doonyo lagu badbaadinayo shacabka ku go'doonsan

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta laba doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere, sida lagu sheegay bogga rasimga ah ee hay’adda.

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go'doonsan kuwaas oo ay go'domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah.

Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira Raashin, Dhar iyo Daawo waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen.

Waxaana xusid mudan in hay’adda SoDMA ay gaarsiisay degmada Luuq doon nuuca dheereya ah maalmo ka hor.

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay in ay ka jawaabayaan xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo degmooyinkiisa kala duwan kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM