Hay’ado Soomaaliyeed oo hal Milyan ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Image
Boqolaal qoys oo Soomaali ah oo ku barakacay fatahaadda ayaa la ildaran baahi bini’aadantinimo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adaha Hormuud Foundation iyo Salam Somali Bank ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabteen ku shaaciyay inay garab taagan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadihii dalka ka dhacay.

"Daadadka uu waddanku arkayo waa kuwo aan horay loo arag, iyadoo ay biyuhu ka sara mareen daaraha, taasoo keentay burbur iyo khasaare ballaaran." ayaa lagu yiri shirka jaraa’id.

Labada hay’adood ayaa ku dhawaaqay in hal milyan oo dollar ah ay ugu deeqeen dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadaha, waxa ayna sidoo kale ka codsadeen bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan samata bixinta dadkaasi.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa & dibadiisa waxaan ugu baaqeyna inay ka qeyb qaatan gurmadka dadkeena soomaaliyeed ee wajahya fatahaadahan ku dhuftay goboollo badan ee dalka ka mid ah.”

Boqolaal qoys oo Soomaali ah oo ku barakacay fatahaadda ayaa la ildaran baahi bini’aadantinimo oo ay ka mid yihiin biyo & cunto la’aan, iyadoo ay u sii dheer tahay la’aanta goobo caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM