Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo gargaar gaarsiisay Barakacayaal

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

10 kun oo qoysas danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay gaarsiisay barakacayaal ku kunool degmada Kaxda ee gobolka Banaadir
Qoysaskan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay roobab maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka duulaysa baahida dadka barakacayaasha ah, ayaa gaarsiisay deeqdan qoysaska danta yar, iyadoo deeqdan ay kusoo aaday xili dadkaasi ay baahi weyn u qabeen.

Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay howlaha u gurmashada dadka tabaalaysan oo ay wado Hormuud Salaam Foundation.

Dakii ka faa’ideystay deeqdan ayaa ka mahadceliyay gargaarka ay soo gaarsiisay hay’adda Hormuud Salaam Foundation. Goobta deeqda lagu qeybinayay ayaa dadkii kahadlay waxaa kamid ahayd Nuuro Cali Yare Maxamed. 

Sidoo kale, dadka ka faa’ideestay gargaarkan ayaa waxaa kamid ahaa Qaxooti Yemen u dhashay, oo ku nool Kaamamka barakacayaasha Degmada Kaxda.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa ah hay’ad u taagan u gargaarirda dadka danta yar ee ku tabaalaysan guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM