Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya oo lagu eedeeyay "musuqmaasuq"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tobanaan dhalinyarro ah ayaa maanta oo Talaado ah waxay dibad-bax ka dhigeen taaladda Daljirka Daahsoon, degmadda Boondheere, gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ay ka cabanayaan "musuqmaasuq iyo dhaqan aan wanaagsaneyn" oo ay kala kulmeen hay'adda sirdoonka Soomaaliya oo ay xuseen in ay shaqo askarnimo ka goobeen.

Qaarkood oo war-fidiyeenka maxaliga ah ugu waramay goobta ayaa shaaca ka dhigay in laga qaadey "lacago sharci darro ah".

"Shuruudihii dhan oo ay kamid tahay dukumiintiyo iyo sawirro waa nagala qaadey; muddo balan dheer kadib waxaa naloo soo wacay waxaana si cadaalad darro ah lagu xushay 20 kaliya," ayay sheegeen.

Sidda laga soo xigtay qaar kamid ah dhalinyaradda dibad-baxa dhigtay, markii ay ka gadoodeen talaabada lagu xushay 20-ka kale waxaa eriyooda loo adeegsaday gaari, taas oo dhaawacyo gaarsiisay tirro kale.

Dhanka kale, ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka Hay'adda Nabad-sugida Soomaaliya, mana ka jawaabin codsi.

Hase ahaatee, intii ay banaanbaxa dhigayeen waxaa u tegay saraakiil ciidan oo u sheegay in tabashooda la gaarsiinayo madaxda.

Hay'adda nabad-sugidda Soomaaliya oo wajaheysa eedeymo la xiriira in ay si qardoodi ah tababar dibadda ah ugu dirto dhalinyarro ayaa horey u eriday saraakiil dhowr ah oo laga soo wareejiyey taliska booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM