Heshiis ku saabsan kheyraadka Soomaaliya oo la ansixiyey

Image
Talaabada ayaa kusoo aadeysa xilli dalka uu ku jiro kala-guur iyo isu-diyaarinta doorashooyin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Eng Cabdirashid Maxamad Axmed ayaa ka qeyb galay Shir ay yeesheen Guddiga Wasaaradaha u xilsaaran kasoo talo-bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka Dalka.

Shirkan ay yeesheen Gudiga ayaa waxaa si wadajir ah ugu ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami-qeybsiga wax-soo-saarka iyo kheyraadka Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan.

"Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena," ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM