Hirshabeelle oo Gudoomiye Cusub u magacawday gobolka Hiiraan

Image
Dhawaan waxaa magaalada Beledweyne ka dhacay dagaal salka ku haya maamulka gobolka Hiiraan

Beledweyn, Soomaaliya - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa wareegto madaxweyne xilka uga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin, isaga oo u magacaabay xilkaasi Muuse Salaad Wehliye.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo beegmeysa xilli Ciidamo sheeganaya maamul lagu magacaabo “Hiiraan State” ay la wareegeen Xarumaha dowladda ee ku yaala magaalada Beledweyne.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay habka ay dowladda Hirshabeelle u maaraynayso tabashada Bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Dagaal afeed ka dib, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u muuqda inuu wax ka beddelay habaka oo ku wajahayay Kacdoonka looga soo horjeedo, Xilli ay soo dhawdahay doorashada madaxtinimada.

Dhawaan ayay ahayd markii uu dagaal u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo Meleeshiyaad ka soo horjeeda, ka qarxay magaalada Beledweyn, halkaas oo ay ku dhinteen 6 qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM