HirShabelle oo beenisay warar laga faafiyey shirkii Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Maamul goboleedka HirShabelle ayaa wuxuu waxba kama jiraan ku sifeeyay in shilkii diyaaradeed ee 14-kii bishan July sanadkan 2020 ka dhacay garoonka Beledwayne uu sababay Dameer.

Cali Jayte Cismaan, gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee hoostaga maamulkaas kamida federaalka Soomaaliya, ayaa xusay in aysan suurtagal ahayn in madaarka soo galo Dameer maadaama Silig ku wareegsan yahay.

Isagoo war-fidiyeenka kula hadlay gudaha xarunta gobolka, Cali ayaa tibaaxay in shilka uu ka dambeeyay markii duuliyaha diyaarada uu ku dhacay carro tuur loo diyaarinayey in lagu hagaajiyo garoonka Ugaas Khaliif.

"Waa waxba kama jiraan in shilku sababay Dameer. Meel uu kasoo galo ama kaga baxo ma jirto, sababtoo ah silig ayaa kuwada wareegsan. Duuliyaha oo cilad ay haleeshay markii uu ku dhacay carro tuur ayaa sababay shilka. Carada waxaa loo dhigay habeenkii baa roob ku da'ay garoonka," ayuu xusay, isagoo aan caddeyn hadii xaqiiqadan lagu ogaadey baaritaanka dowladda.

Wasaarada Duulista Hawada Soomaaliya oo albaabada u laabtay garoonka kadib shilkaas ayaanan soo bandhigin natiijada baaris ay tilmaamtay in ay ku bilowday sababta ka dambeysay shilkaas burburka sababay.

Hadalka maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka dambeeyay markii maareeyaha diyaaradda shilka ku lug-yeelatay oo laga leeyahay Kenya uu shaaciyey in Dameer soo galay dhabaha diyaarada uu shilku ka dambeeyay.

Duulimaadkaas burburay balse aan geysan khasaaro maaliyadeed ayaa ka yimid Jabuuti, waxaana uu sahay iyo gargaar cunto ah uu u waday ciidamada AMISOM iyo shacabka magaalada dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM