HirShabelle oo eedeyn culus u jeedisay madaxda dowladda Soomaaliya

Image

JOWHAR, HirShabelle – HirShabelle ayaa ku eedeysay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka gaabiyeen in ay maamulkooda ka taageeraan sugitaanka ammaanka wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Canab Axmed Ciise, gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dowlad goboleedka, ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta ismaamulkooda ay "dayac amni darteeda ugu baxayaan gacanta maleyshiyada Al-Shabaab".

"Horey waan u sheegay waana ku celinayaa, dowladda Soomaaliya afarta sano ee ay jirtay oo ay wax yar uga harsan tahay ma jirto wax amni la xiriira oo ay kala shaqeysay," ayay u sheegtay warbaahinta.

Waxay raacisay: "HirShabelle markii la dhisayey wadadaas amnigeeda wuu fiicnaa, habeen saq dhexe ayaa lagu socon karay, waxaan is leeyahay amni darada waxaa keentay dowladda oo gacanta midig aan nagu qaban".

Hogaanka dalka ee waqtigooda dhacayo ayay xusuusiyey in ay gutaan waajibaadka ka saaran ka gacan-siinta maamulkooda sidii uu u sugan lahaa nabad-gelyadda isla markaana "si siman wax u qebiyaan".

"Wadadaas waanu ku dhamaanay, halyeeyo iyo geesiyaal badan ayaa nooga dhintay, dowladda Soomaaliya waxaan leeyahay u sinaada dadka aan u dhaarateen," ayay hadalkeeda kusoo afjartay.

Hadalka Canab ayaa kusoo hagaagaya xilli maanta ay dagaalameyaasha Al-Shabaab sheegteen in ay duleedka degmada Balcad ka afduubteen Xildhibaan kamid ah HirShabelle kaasoo kadib ay toogasho ku dileen.

Marxuum Maxamed Siyaad oo ku safrayey gaari Hoomey ah ayna ku wehliyeen dad shacab ah ayaa kasoo baxay Jowhar kuna soo jeeday magaala madaxda Muqdisho, sidda ay saraakiil u sheegeen Garowe Online.

Madaxda dowlad goboleedka HirShabelle oo uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo axaabta marxuumka.

Fashil dhanka ammaanka ah, ciribtirka argagixisada oo laga gaabiyey, musuqmaasuq iyo maamul xumo baahsan ayaa kamid ah eedeymaha loo jeedinayo hogaanka haatan ee HirShabelle oo waqtiga ka dhamaanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM