HirShabelle oo soo bandhigtay Aabe gowracay wiilkiisa curadka ahaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska caasimada HirShabelle ayaa soo bandhigay Cismaan Ibraahim, oo ah aabe lagu eedeeyay in uu gowracay wiilkiisa curadka ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Ibraahim.

Kadib markii uu baxsaday, eedeysanaha oo saqdii dhexe ee xalay falkaas ka geystay xaafadda Horseed ee Jowhar ayaa la sheegay in laga soo qabtay degaanka Halgan oo duleedka ka ah magaalo madaxda maamulka.

Maxamed Siyaad Cali Canjeex, taliyaha booliska Jowhar, ayaa tilmaamay in ay su'aallo waydiin doonan Cismaan Ibraahim.

"Illaa iyo haatan lama ogga waxay ku kalifay in uu mindi qaato kadibna uu gowraco wiilkiisa, balse baaritaan ayaan ku bilaabeynaa," ayuu ku daray, isagoo aan meesha ka saarin in ay cadaalada hor-geyn doonan.

Dad deris la ah qoyska ay tacsida u taalo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Aabaha iyo Wiilkiisa uu muran xoogan dhexmaray saacado kahor dilka naxdinta leh.

Tafaasiil horudhac ah ayaa muujineysa in Cismaan Ibraahim oo shaqadiisu ahayd rarida gawaarida uusan "miyirkiisu taam ahayn".

Falalka noocaan ah oo aad ugu badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa argagagax geliya rayidka, wallow illaa iyo haatan aysan jirin cid isku howshay soo bandhigista xaqiiqada ka dambeysa dhacdooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM