Hogaamiyaasha Soomaaliya oo Shir uga furmaya Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 4-ta bishan December uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo daba socda shirkii London lagu qabtay bishii May.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Eng Cadbiraxmaan Yariisow ayaa xaqiijiyay in maalinta Isniinta ah ay madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubanaha isagu imaan doonaan Shirka Amniga Qaranka looga hadlayo.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa arrimo muhiim ah, oo ay kamid yihiin in dib u eegis lagu sameeyo wixi ka hergelay qodobadii kasoo baxay Shirkii London, isku-dhafka ciidamada, iyo sidii la iska kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab.

"Shirkan 4-ta December ee Shirka amniga loogu magacdaray ee heer qaran, waa shir ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya, wuxuuna daba socdaa Shirka London, oo lagu heshiiyay in amniga Soomaaliya si dhamaystiran loo wajaho, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda Federaalka iyo beesha caalamka," ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa sidoo kale looga hadli doonaan dhaqan-gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii London ee looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyadoo la qiimeynayo wixii hergelay iyo cabadaha taagan ee dhanka amniga.

Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka, ayaa ku qulqulaya Muqdisho si ay uga qeybgalaan Shirka amniga qaran, iyadoo maanta uu caasimadda ka dagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Saraakiil iyo Taliyeyaal ka socda Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo wakiiladda beesha caalamka u fadhiga Muqdisho ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Shirka

Kulankan waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay dowladda Madaxweyne Farmaajo shaacisay inay dhawaan qaadayso duulaan Al Shabaab looga saarayo dalka, waxayna dowladaha deriska waydiisatay ciidamo dheeraad ah oo howlgalka ka qeyb qaata.

Hogaamiyaasha Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay horaanteeda ku yeeshay Muqdisho shir wadatashi ahaa, kaasi oo ay uga hadleen Qodobadii la isku hayay oo ka mid ahaa arrimaha siyaasadda ee khilaafka salka u ah, qeybsiga kheyraadka, arrimaha dib u eegista dastuurka, amniga, iyo kuwa kale. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM