Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo wadahadal yeeshay

Image
Xasan Sheekh iyo Erdogan ayaa wadahadalkooda telefoonka kusoo qaadey "faragelinta iyo xadgudubka Itoobiya".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka waxa uu kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa Ordogan uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

"Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya," ayay raacisay Villa Soomaaliya.

Ordogan iyo maamulkiisa waxay ay ka dhiidhiyeen talaabada Itoobiya ay heshiiska kula gashay Somaliland waxaana ay soo jeediyeen in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Muqdisho iyo Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM