Hogaamiyihii Macawisleyda oo helay Xil dowladeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan u magacaabey Madaxa Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda)
.
Cali Jeyte ayaa dhwaan isku magaacaabay madaxweynaha maamul oo ugu magacdaray Hiiraan State, isaga oo ka cabanaya xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Jeyte ayaa ku guuleystey xorreynta bariga gobolka Hiiraan inta uu gudoomiye ka ahaa gobolkaas.

Khilaaf maaliyadeed oo kala dhaxeeyay maamulka Hirshabelle ayaa keenay in xilka laga qaado.

Cali Jayte ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah AS ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay degmada Maxaas.

GAROWE ONLINE

 

 

noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaana lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Khawaarijta kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogtay.

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM