Hogaanka rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo xabsi loo taxaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa xirtay hogaanka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Axmed Cabdullaahi Xasan iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale ayaa lagu waramayaa in la qabtay maanta oo Khamiis ah, 23-ka Janaayo, sanadkan 2020-ka.

Ma cadda sababta loo qabtay xubnahaan. Balse waxay kusoo aadeysaa iyaddoo dhowaan ay soo ifbaxday in ay magacaabidooda ay saameyn ku yeelatay Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida oo ku dhex-milantay hay'addaha dowladda ayaa lacago baad ah ka qaada ganacsatadda.

Sidda laga soo xigtay VOA-da, ganacsatada Muqdisho ayaa saddex sano ku murunsanaa qofka noqonaya gudoomiyaha rugta ganacsatada gobolka.

Kadib is-mari-waagaas, Al-Shabaab oo u yeertay ganacsatada ayaa shir saddex maalmood socday ugu qabatay gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay wararku sheegayaan.

Natiijada kasoo baxday wada-hadaladaas ayaa noqotay in Axmed loo magacaabo jagada gudoomiyaha, halka Jimcaale loo xushay ku xigeenka rugta ganacsiga gobolka.

Inkastoo Muqdisho laga saarey 2011-kii kadib howlgalo ay ka qeyb-qaateen AMISOM, ururka Al-Shabaab ayaa "nidaam mooryaanimo ah" kula dhaqanta bulshada caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo afkiisa ka ilaaliyay in Puntland magaceeda ugu yeero

Mareykanka iyo dowladaha kale ee deeqbixiyaasha ayaa sheegay inaysan wax lacag ah ku bixin doonin howlgalka AUSSOM.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 07:44AM

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM