Hoobiye Lagu Garaacey Jaamacada Kismayo

Image

KISMAYO- Xaaladda deeganka Buulo-gaduud ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa ciidamada isbahaysiga ee Ethiopia oo qeyb ka ah howgalka Amisom iyo kuwa Jubbland in ay dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya Buulo-gaduud oo 30-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jubbland ee shalay duulanka ku qaaday Al-shabaabka ku sugan Buulo-Gaduud, balse waa ay ku guul daraysteen inay la wareegaan magaaladaasi, iyadoona ku soo laabtay xerada Jaamacadda ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kalle, wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab xalay ay hooboiyaal ku soo tuureen xerada Jaamacadda oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamadais-baheesanaya.

Waxaa dib isoo laabtay isgaarsiinta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalka Jubbadda Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM