Hoobiyeyaal lagu weeraray Villa Soomaaliya xilli uu jiro walaac amni

Image
Weerarkan ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhasho khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro madaafiic ah ayaa caawa ku dhacdey nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho. Weerarkan ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhasho khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Falkan wuxuu imaanayaa xilli safaaradaha reer galbeedka ee ku sugan Muqdisho ay digniin culus oo amni uu soo saarey goorsii horeysay oo maanta ah.

Dhanka kale, ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xalay gaaf-wareegayay jidadka Muqdisho xilli baro kontaroolo dheeraad ah lagu soo kordhiyay Jidadka-ka caasimada jamhuuriyada federaalka, Soomaaliya.

Talaabooyinkan ayaa ka turjumaya walaaca amni ee sii kordhaya waxayna kusoo beegmayaan xilli weeraro lagu ekeeyay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa saacadihii hore ee maanta waxa uu ka digay in Muqdisho ay martigelin karto weeraro dhiig badan ku daato isaga oo muwaadiniintiisa ugu baaqay feejignaan dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM