Hormuud Telecom oo sanadkii 2aad qaaday imtixaanka deeqda waxbarasho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta 400 oo arday oo kasoo baxay dugsiyada sare u fariisteen imtixaan deeqda waxbarasho ee ee bixiso shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom, kuwaas oo buuxiyay shuruudaha ka qeyb galka.

Ardaydan ayaana laga doonayaa 30ka Qof ee kaalmaha hore ka gala Imtixankaan Iyaga oo Dalbanaya jamacad kasta oo ay donayaan oo ku taala gudaha dalka qarashaadka Jamacada Iyo agabkooda waxbrasho 30-kaan arday ayaa waxaaa bixin doona Shirkada Hormuud telecom sidoo kale ardayda waxaa la siin doonaa tababaro ku saabsan taqasuska ay baranayaan.

Goobta Uu ImtixaankaanKa ka socday ayaa waxaa kormeer ku tagay Wasiiru Dowlaha Wasarada Waxbarashada Xukumda Somaliya masuulyiinta ka socday Shirkada Hormuud Telecom.

Ugu Horeyntii Waxaa Goobta Ka Hadlay Gudomiye Ku Xigeenka Hey’adda Hormuud Salam Fondetion Cabdiraxman Ibrahim Cilmi Isaga oo Ka warbixiyay Imtixaankaan ay qadayaan maanta ayna tahay fursad ay ugu fa’iideynayaan ardayada leh hamiga waxbrasho ee dhameyay Dugsiyada Sare Isla markana aan awoodin In ay Iska bixiyaan qarashaadka Waxbarasho Hormuudna ay garab tagantahay mar waliba.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Xukumda Federalka Somaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle Oo Dhankiisa Goob Joog Ahaa imtixaanka Ayaa shirkadda hormuud ku amanay garab Istaaga ay bulshada somaliyeed xili waliba La garabtagantahay Isga Oo dhiirageliyay ardayda u farisaneysay Imtixaanka maanta.

Sanadkii labaad ayay shirkadda hormuud qaadeysaa imtixaanka lagu helayo deeqaha waxbarasho ardayda ka soo baxday dugsiyada sare, waxaana deeqdan si weyn usoo dhaweeyay ardayda ka baxday dugsiyada sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM