Howlgalka Badweynta Hindiya oo ku wajahan Baraawe

Image

Isniin, September 1, 2014 [GO] Ciimadda AMISOM & kuwa DF ayaa ku wajahan Degmada Baraawe oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda Al-Shabab ka dib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay la wareegeen degmooyin muhiim ah.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada hoose Cabdiqaadir Maxamed Siidii ayaa sheegay saacadaha soo socda inay gaarii doonaan Baraawe oo xudun ah kooxda wuxuna tilmaamay halkaasi inay warbaahinta kula hadlayaan.

''Qorshaheena wuxuu cuskan doonaa ilaa xadka aan la leenahay Jubbadda dhexe oo ah halka loo yaqaan Xaramka,halkaasna ayaa caga dhigan doonaa saacadaha soo socdaha. Sidoo kale shir jaraa'id ayaan ku qaban doonaa Baraawe," sidaas waxaa yiri Siidii. 

Kuntuwaarey  iyo Buulo-mareer ayay ciidanku kala wareegaan kooxda inkastoo Kuntuwaarey uusan ka dhicin wax dagaal ah waxaase lagu soo waramayaa Qoysas faro badan inay ka barakaceen.

Qorshaha howlgalka Badweynat Hindiya ayaa salka ku haya sidii Al-Shababa looga qabsan lahaa magaalooyinka xeebaha leh ee Somalia.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM

Wareysi Washington ka dhacay oo dhaliyey dhaliilo loo jeediyey Madaxweyne Cirro

Cirro ayaa 14-kii Sebtembar ka hadlay Hudson Institute, oo ah xarun cilmi-baaris…

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 03:28AM