Howlgalka Badweynta Hindiya oo xoreeyay magalada Buulomareer

Image

Marka,Somalia 30.August [GAROWEONLINE] Ciidanka DF iyo AMISOM ayaa gacanta ku dhigay magalada Buulomareer iyo Golwayn oo ka tirsan Gobalka Shabelada hoose ka dib dagaal culus oo dhexmaray kooxda Al-Shabab.

Howlgalkan oo loogu magacdaray Badweynta Hindiya ayaa shalay oo Jimce ahayd ka bilowday Shabeladda hoose kaasoo ku wajahan Magalada Baraawe oo ah halbowlaha kooxda Al-Shabab.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa warbaahinta gudaha u sheegay howlgalkan inuu yahay mid xalay bilowday laguna damacsan yahay in Al Shabab looga saaro Gobalka Shabeelada hoose.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cismaan Gaagaale ayaa dhankiisa warfidiyeenka u sheegay inay dagaalka Al-Shabab la galeen ku dilee 20-dagaal yahay afar kalena ay gacanta ku dhigeen.

Waxa uu sheegay Gaagaale howlgalku inuu sii socon doono inta kooxda laga saarayo guud ahaan gobalka Shabeelada hoose.

Docda kale Al-Shabab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ciidanka huwanta ah kula gashay Buulomareer balse ma aysan cadayn kooxdu in deegaanka laga qabsaday.

Awooda Al-Shabab ayaa ku hartay gobaladda Shabeelada hoose iyo Jubadda dhexe waxaase socda dadaalo lagu damacsan yahay  ururkan in dalka laga sifeeyo.

Magalada Buulo-mareer oo dhanka koonfureed kaga beegan magalada Muqdisho ayaa u jirta 120-km.

GAROWE ONLINE

Related Articles

STC oo Ballaarisay Gacanta ay ku Hayso Koonfurta Yemen

Toddobaadkii la soo dhaafay, STC waxay billowday hawlgal milatari ay ugu….

  • Soomaliya

    12-12-2025

  • 09:07AM

Soomaaliya oo la sheegay in la dhex-marsiiyo hub loo gudbiyo Xuutiyiinta Yemen

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib shir heer sare ah oo Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

  • Soomaliya

    11-12-2025

  • 01:50PM