HRW oo kufsi ku eedaysay Ciidanka AMISOM

Image

[GO, Isniin, Sep 8, 2014]- Hay'adda u doodda xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa warbixin cusub oo ay maanta soo saartay waxay kusoo bandhigtay xadgudubyo dhanka jinsiga la xiriira oo ay askar ka tirsan Ciidamada AMISOM  u geysteen dumar Soomaaliyeed.

Warbixinta oo ka kooban 71 bog, waxaa lagu sheegay in xadgudubyadaas oo badankoodu ka dhacay saldhigyada ciidamada AMISOM loo geystey haween u tegey xarumaha ciidamada si ay uga helaan gargaar bini aadamnimo oo isugu jira cunto iyo daawooyin.

Hay'addu waxay xog ka diyaarisay toban kiis oo isugu jira kufsi iyo xadgudubyo kale oo jinsiga khuseeya, kiisaskaas waxaa kamid ah kufsi wadareed iyo weliba kufsiga gabar yar oo ay da'deedu 12sano tahay. Badi kiisaskaasi waxay dhaceen dhamaadkii sanadkii hore ee 2013 ilaa horraantii sanadkan 2014.

Haweeney lagu magacaabo Ayaan ayaa u sheegtay HRW in ay qori ku qabteen dabadeedna kufsadeen lix askari oo Burundiis ah, kaddib markii ay wiilkeeda oo xanuunsan keentay mid kamid ah saldhigyada ciidamada AMISOM.

Isla xilligaas waxay sheegtay in la kufsaday saddex hablood oo kale, kuwaas oo mid kamid ahi ay si aad ah u dhaawacantay.

" anaga ayaa gabadha dhaawaca noqotay guriga usoo qaadnay" Ayaan ayaa sidaas tiri iyadoo intaas raacisay "saddex anagoo ah ayaan xerada kasoo baxnay oo soo qaadnay...iyadu ma istaagi karin"

Bishii August ee sanadkii hore ee 2013 ayuu ahaa markii ugu horreysey ee uu soo shaacbaxo kufsiga ay ciidamada AMISOM geystaan, markaas oo haweeney warbaahinta Muqdisho la hadashay ay sheegtay in deegaanka Xalane ay  ku kufsadeen askar ka tirsan AMISOM.

Markaas kaddib waxaa baaritaan furay guddi isku dhaf ah oo ka kooban mas'uuliyiin Dowladda Federaalka ka tirsan iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada, baaritaankaas natiijo wax ku ool ahi kama soo bixin, welina maxkamad lama soo taagin dhowr askari oo la ogaaday in ay kiiskaas ku lug lahaayeen.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askari oo ka kala yimid  dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, Sierra Leone iyo  Djibouti. Howsha ciidamadaasi waa sidii ay Dowladda Federaalka gacan uga siin lahaayeen dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, soo celinta ammaanka iyo xasilloonidana ay uga qayb qaadan lahaayeen.

GAROWE ONLINE.

 

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM