Human Rights Watch oo eedeyn u jeedisay Dowladda Soomaaliya

Image

WASHINGON, US – Hay'adda Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay sarre u qaadeen cabsi-gelinta wariyeyaasha madaxa-banaan.

HRW ayaa tilmaamtay in arrintaan ay kusoo aadeyso xilli ay sii kordhayaan tirada kiisaska Coronvirus ee gudaha waddanka kuna soo fool leedahay doorashooyinka 2020-21, wallow aan lagu heshiin nidaamka.

"Tan iyo bartamihii April, 2020 oo kaliya, mas'uuliyiinta ayaa si aan laga fiirsan u xiray saddex saxafi, oo lagu eedeeyay laba dambi kala duwan, waxay sidoo kale idaacad madax-banaan ka mamnuuceen in ay wax ku baahiso lahjad," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday hay'adda HRW.

Wariyeyaasha la xiray oo qaarkood lasii daayey waa; Mukhtaar Maxamed Catoosh, Cabdicasiis Gurbiye, Farxaan Maxamed Xuseen iyo Maxamed Cabdiwahaab Nuur oo loo garan-ogyahay magaca Abuuja.

Abuuja ayay dowladdu sheegtay in loo haysto eedeymo la xiriira in uu ka tirsan yahay maleeyshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab isla markaana ay baaris ku socoto.

Laetitia Bader, agaasimaha Human Rights Watch ee Geeska Afrika, ayaa ku waaniyey dowladda Soomaaliya in ay joojiso xariga iyo handadaada ay ku hayso wariyeyaasha u bareera in ay xog helaan xiliyada adag.

"Warbaahinta madaxa-banaan oo laga ilaaliyo xadgudubka waxay muhiim u tahay in la xaqiijiyo Soomaalida oo hesho xog sugan oo ay go'aano kaga qaadan karaan safmareenka [Covid-19," ayuu ku daray Bader.

Warbixinta ayaa lagu soo hadal-qaadey dacwad ay Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegtay in ay kusoo oogeyso Haaruun Macruuf, oo ah wariye jooga Washington oo ka tirsan idaacadda VOA-da.

"Iyaddoo waydiineysa macluumaadka baaritaanka Haaruun, Cabdicasiis, iyo Maxamed Abuuja, Human Rights Watch waxay 28-kii April ay warqad u dirtay Xeer-ilaaliyaha Guud, Suleymaan Maxamed Maxamuud, balse ma helin wax jawaab ah," ayaa lagu yiri qormaddan soo baxday maanta.

Gabagabadii, Laetitia Bader ayaa ku booriyey xukuumadda Muqdisho in ay u ogolaato saxaafadda madax-banaan in ay si furan u tabiyaan wararka la xiriira Coronavirus si dadka ugu helaan xogta saxda waqtiga ku haboon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM