Human Rights Watch oo ka falcelisay toogashadda Almaas Elman

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Aadanaha, Human Rights Watch, ayaa waxay durba ka falcelisay dilka Almaas Elman oo Arbacada maanta ah la khaarijiyey.

Marxuumadda ayaa lagu dhex-toogtay gudaha xerada Xalane xili ay la socotay gaari nooca raaxadda ah, sidda ay Goobjoogeyaal ku waramayaan.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka iyo kuwa xerada Xalane illaa iyo haatan kama aysan hadlin toogashada Almaas. Xalane waxay fariisin u tahay safaaradaha caalamka.

Almaas ayaa Muqdisho kaga qeybgashay shir uu Midowga Yurub soo qaban-qaabiyey kaasoo looga hadlayey horumarinta dhulalka baahiyaha ah.

Laetitia Bader, cilmi-baarre sarre oo ka tirsan HRW, ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka, waxay ku sheegtay in ay tacsi u direyso ehelada Almaas.

"Ma hadli karo. Aad ayaan u naxsanahay," ayay hadalkeeda ku bilowday Bader oo HRW u qaabilsan arrimaha qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Waxay hadalkeeda raacisay: "Almaas waxay ahayd mid cajiib ah, dhiiran ayna ka go'an tahay u qareemida qaab dhexdhexaad ah".

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Fartuun [hooyadda Almaas], Ilwaad Elman [walaasheed], qaraabadeeda iyo asxaabta Almaas," ayay raacisay.

Almaas ayaa waxaa dhalay Elman Axmed Cali, oo u ololeyn jiray arrimaha nabadda isla markaana caan ka ahaa magaaladda Muqdisho.

Aabe Elman, oo alifay oraahda caan baxday ee "Qoriga dhig, qalinka qaado" ayaa Muqdisho lagu dilay sanadka markii uu ahaa 1996-dii, waxaana reerkiisu kadib u qaxeen Canada.

Saddexdiisa gabdhood ee kala ah; Ilwaad, Almaas iyo Iimaan oo ay wehliso hooyadood, ayaa dalka ugu soo laabtey si ay door uga qaataan dib u dhigiska.

Ilwaad ayaa la shaqeysa Qaramadda Midoobay; Iimaan waa kabtan ka tirsan milatariga, halka Almaas, oo dilkii aan fahfaahin laga hayn, ay kasoo shaqeysay safaaradda Soomaaliya ee waddanka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM