IGAD oo Jubaland ka taageereysa gurmadka Abaaraha
NAIROBI, Kenya - Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta Iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubaland, Maxamed Nuur Cali Cabdullaahi ayaa maalimihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
ayaa maanta kulan laqaatay Dr SJ Muchina Munyua oo ah agaasimaha hay’adda ICPALD oo ah hay’ad arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan urur Gobaleedka IGAD kaasoo ka dhacay xarunta IGAD ku leedahay Magaalada Nairobi.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaan xiriiriyaha mashruuca PP ee FAO Mrs Caroline Agosa, Mr Liban Daher Economist oo dhammaantood ah saraakiil ka tirsan hay’adda ICPALD.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dardargalinta wadashaqeynta laba dhinac iyo hormarinta mashaariicda ay hay’adda ICPALD ka wado qeybo kamid ah Gobalka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland.
Qodobadii laga wadahadlay:
1- Xoojinta wada shaqeeynta labbada dhinac
2- Ka jawaabidda xaaladaha abaarta kajirta deegaanada Jubbaland.
3- Dib u bilaabidda maashaaric cusub iyo gabagabeynta kuwii hore iyo qodobo muhiim ah.
Isu-imaatinka maanta uu Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubaland, Maxamed Nuur Cali Cabdullaahi uu la yeeshay madaxdaan ayaa ku soo dhammaaday si mira dhal ah kaasoo qeyb weyn ka qaadan doono geedi socodka hawlaha shaqo ee ay wasaaradda bulshada Jubbaland u heyso.
GAROWE ONLINE