IGAD oo ka hadashay khilaafka Galmudug iyo Ahlusunna [Dhagayso]

Image

19 September, 2015(GO)-Wakiilka urur goboleedka IGAD  ee arrimaha Somalia Maxamed Cabdi Afey oo waraysi siinayay Idaacadda BBC-da ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

Afeey oo cambaareeyay colaadda dhextaalla labada dhinac ayaa sheegay inaysan danta Somaliyeed ku jirin dil balse loo baahanyahay in la soo afjaro wixii khilaaf ah.

Dhinacyada dagaalamay ayuu wakiilku ugu baaqay wada-hadal iyo isfaham si looga gudbo marxaladda haatan lagu jiro.

“Urur goboleedka IGAD aad ayuu uga xun yahay in dad Somaliyeed ay si nasiib daro ah ku dhintaan, waxaan ka xunnahay in dadka gobolada dhexe ku nool lagu dul dagaalamo, dagaal waa laga tagay oo dowladdnimo ayaa la qaatay" ayuu yiri Afeey.

Hadalka IGAD ka soo baxay ayaa imaanaya, xilli khilaaf dhimasho sababay uu u dhaxeeyo maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM