IGAD oo laga dalbaday in kulan ka yeelato xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaalle ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha dalalka IGAD inay Kulan ka yeeshaan Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka codsaday Ururka IGAD inay qabtana Shir deg deg ah oo lagu xalinayo Khilaafka sii daba dheeranaya ee u dhaxeeya Gollaha Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Aden Barre in hadii aan si dhaqso ah wax looga qaban, oo fareglin lagu sameynin Xiisadda hadda k ataagan Soomaaliya ay dhaawacayso guulaha dhanka amniga iyo xasiloonida ay sameysay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Aadan oo laga soo doorto degmada Gaarisa, ee waqooyiga bari ee Kenya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka u dhaxeeya Hay'adaha sharci dejinta iyo fulinta dowladda kaasi oo noqday mid daba dheeraaday oo halis gelinaya hor-usocodka Soomaaliya.

IGAD iyo wadamada kale ee Beesha caalamka ayaa dhawaan walaac ka muujisay is-mariwaagga madaxda Soomaaliya, waxayna ku baaqday in mashaakilka taagan lagu dhameeyo qaab waafaqsan dastuurka qabyo qoraalka ah ee u leeyahay dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM