Ilaalada Villa Soomaaliya oo dhaawacay Mas'uul katirsan Xukuumadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamado katirsan Ilaallada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa xalay dhaawacay mas'uul sare oo kamid ah Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Cabdullaahi Cabdikariin Maxamed Xiirey, oo ah Agaasiimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee waaxda xariirka gobollada ayaa Gaarigi uu watey rasaas lagu furey xilli uu mararay nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Askar ku sugan Bar Koontarool oo laga ilaaliya qasriga Madaxtooyadda ayaa markii ay ka shakiyeen Gaariga Mas'uulkan rasaas ooda uga qaadey, taasi oo sababtay dhaawac culus inuu kasoo gaaro.

Cabdullaahi ayaa marayay xilliga la rasaaseynayay afaafka hore ee Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey dhanka caloosha, waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer.

Ma jirto cid katirsan laamaha amniga dowladda, oo ka hadashay falkan ay ciidamada Villa Soomaaliya ilaaliya ku dhaawaceen Cabdullaahi Cabdikariin Maxamed Xiirey, oo hadda xaaladdiisa laga deyrinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM