Ilaalada wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo dilay mas'uul

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan aaga Taree Biyaano oo ku dhow isgoyska KM4 ee bartamaha magaala madaxda dalka.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal, dilka waxaa geystay askari kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka ah, Abukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Marxuumka oo isla goobta ku geeriyoodey ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ahaa sarkaal sarre oo ka tirsan xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka. Wararka qaar waxay qusayaan in uu ahaa agaasimihii waaxda IT-ga.

Maxamed Cabduqaadir Cilmi ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah lagu aaso mid kamid ah khubuuraha magaalada Muqdisho, sidda ay sheegeen xubno kamid ah ehelkiisa.

Goobjoogeyaal kala duwan ayaa ku waramay in askariga falka sameeyay uu isku dayey in uu goobta ka baxsado balse ay gacanta ku dhigeen ciidamo milatari oo waqtigaas wadada marayey.

Illaa iyo haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa toogashadda. Askariga falka ka dambeeyay waxaa  loo dhaadhiciyey xarunta dambi baarista ee CID-da, halkaasoo lagu su'aallayo.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka. Illo ku dhow xarunta dambi baarista waxay sheegeen in su'aallo waydiinta kadib laga xog-warami doono kiiska.

Askariga dhacdadaan ku lug-yeeshay ayaa la socday kolanyo galbineysay wasiir Xasan oo waqtigaas mareysay goobta, sidda ay tibaxayaan warbixino xog-ogaal ah.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa xilliyadda qaar ku lug-yeesha falal noocaan ah, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaaraan mas'uuliyiin, wallow ay waxyeeladda ku badan tahay dadka shacab ah ee amnigooda sugi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM