Mareykanka oo cafiyey deyn uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa waxay bogaadisay dedaaladda haatan socda ee deyn cafinta Soomaaliya.

Sidda laga sigtay bayaanka, Aqalka Hoose ee Mareykanka ayaa cafiyey miisaaniyad ay ku jirto deyn cafinta Soomaaliya. Tani ayaa guul u ah xukuumadda Muqdisho.

Qoraalka ayay ku sheegtay in deyn cafinta aysan kaliya faa'iido igu jirin Soomaalida dalka ku nool, balse ay ahmiyad u leedahay qurbe-joogta.

Faa'iidooyinka waxaa kamid ah in waddanka uu qaadan karo deyn cusub, hadii laga dhaafo qaanta lagu leeyahay, kobac dhaqaale, maalgelin iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa gaareysa aduun lacageed dhan in ka badan shan bilyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Hay'adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Bangiga Caalamka ayaa xukuumadda federaalka ah hordhigay shuruudo dhowr ah oo ay sheegeen in looga deynta cafin karo.

Shuruudaha ayaa waxaa kamid ah; mideynta canshuuraha gudaha laga uruuriyo, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dib-u-habeyn lagu sameeyo hanaanka maaliyadda.

"Wax badan oo ay waajib tahay in la sameeyo ayaa harsan; xoojinta dimuqraadiyadda, xuquuqul insaanka, xiriirka Villa Soomaaliya, maamuladda iyo dadka. Mareykanka door buu ka cayaari karaa," ayay tiri.

Ugu dambeyntii, Ilhaan Cumar ayaa waxay ku nuux-nuux satay in ay sii wadi doonto ka shaqeynta dalka "Soomaaliya oo dimuqraadi, xor iyo nabad ah, taasoo dhamaanteena aanu dooneyno in aan aragno".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM