​Ilka-xanaf oo xilka laga qaaday ka hadlay

Image

MUQDISHU- Gudoomiyihii hore maxkamadda sare ee Somalia Caydiid Cabduullaahi Ilka-xanaf ayaa ka hadlay xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xassan Sheekh Maxamud.

Caydiid ayaa arrintaasi soo dhaweeyay, wuxuuna tilmaamay inay tahay tallaabo sharci ah, wuxuuse muujiyay sida uu uga xunyahay in xilligan laga qaado.

Isagoo go'aanka ka hadlaya ayaa sheegay in waxa uu jecelyahay [Xilka] u bur-burin dalka Somalia, isagoo sheegay in kabadan 60 sano inuu usoo halgamay midnimada umadda Somaliyeed.

“Dalka sharci ayuu leeyahay waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, hadaan danta dalka iyo dadka eegana aniga dhibaateyn maayo, wax aniga igu saabsan dalka uma bur burayo, Shaqo aan jecleysanayo dalka dhibaato uma imaaneyso, qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur inuu dalka ku yimaadana ma jecli,”Ayuu yiri Ceydiid Ilka-Xanaf.

Ilka-xanaf oo shir jara'id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa intaasi raaciyay inuu ku faraxsanyahay xilalkii kala duwan ee xukuumadihii dalka soo maray ka qabtay, wuxuuna soo jeediyay in wax kasta laga hormariyo danta umadda Somalia.

04 bishan ayaa xilka qaaday gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia, waxaana lagu badalay Ibrahim Iidle Saleebaan oo muddo soo ahaa garyaqaanka guud ee Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM