​Ilka-xanaf oo xilkii laga qaaday

Image

MUQDISHU- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, ayaa xilkii maanta looga qaaday guddoomiyahii maxkamadda sare ee Somalia Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

Xilkaa qaadistan ayaa la cadayn sababta keentay, waxaana booskiisa lagu badalay nin lagu magacaabo Ibrahim Iidle Sulaymaan.

Ilka-xanaf ayaa xilkan loo dhiibay sannadkii 2011 xilligii waddanka uu madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif Sheekh Axmed, waxaana mas'uulkan xilal kala duwan kasoo qaybtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Wararka xilka qaadista ku salaysan ayaa sheegay in hogaamiyaha maxkamadda sare da'diisu kor u dhaafayso 80 sano sidaasi darteen xaalad caafimaadka booskaasi looga qaaday.

Nin kabadalay, ayaa kasoo jeeda deegaanada Somaliland, waxuuna muddo dheer ahaa garyaqaanka guud ee Somaliland isagoo asbuuc ka hor booskaasi banneeyay.

Iidle ayaa isla maanta jagadaasi loo dhaariyay.

Caydiid kama hadlin xilka qaadistiisa iyo sida uu arko shakhsiga lagu badalay.

Xil ka qaadista Ilka Xanaf ayaa ku soo beegmeysa xilli la filayo in Doorashada madaxtinimada Somalia dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa. 

Dhawr jeer waxaa isku dhacay Ilka-xanaf iyo Xasan Sheekh, waxayna dhawr jeer isku khilaafeen arrimo ku saabsan garsoorka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Farmaajo oo walaac ka qaba xaaladda Soomaaliya, digniinna u diray Xasan Sheekh

Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay si degdeg ah u soo saaraan qorshe doorasho oo cad.

  • Soomaliya

    14-04-2026

  • 11:39AM

Mudo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo dhamaaday iyo Xildhibaano is-casilay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna uga hartay mudo-xileedkiisa 31 maalin, iyadoo aan muuqan dadaallo uu wado oo doorasho ku qabanayo.

  • Soomaliya

    14-04-2026

  • 11:06AM