Ilmo yar oo kamid ah dad wax ku noqdey qarax ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ugu yaraan laba qof ayaa lagu waramay in ay ku dhimatay, afar kalana ay ku dhaawacmeen bam gacmeed lagu weeraray mehrad ku taala xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in weerarkaan oo dhacay abaare 7-dii fiidnimo xalay dadka ku dhaawacmay uu kamid yahay cunug yar oo xaaladiisa laga dayrinayo.

"Dhamaan bukaanadda dhaawaca ah waxaa loo daabulay xarumaha caafimaadka si loo daaweeyo," ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

Ciidamadda ammaanka oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa tibaaxay in ay gacanta kusoo dhigeen la tuhunsaneyaal badan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, balse dhacdooyinka noocaan ah waxaa geysta Al-Shabaab.

Inkasta oo laamaha amnig ay sheegeen in ay ku dedaalayaan ka hortagga falalkaas, qaraxyadda lagu beegsado xarumaha ganacsiga ayaa ku badan gudaha caasimadda ku meelgaarka ah ee Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa lacago baad ah ka qaada ganacsatada si ay ugu adeegsato howlgaladeeda, waana mid kamid ah ilaha ay dakhliga ka hesho. Cidii diida waxay ugu hanjabaan dil, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM