Imaaraadka oo joojiyay in VISA kusoo saaro Baasaboorka Soomaaliya

Image

ABU DHABI - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisay inay Fiisaha dalkeeda lagu galayo usoo saarto dadka haysta Baasaboorka Soomaaliya, kadib markii xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya uu gaarey meeshii ugu xumayd.

Waxay sidoo kale Xukuumadda Abu Dhabi hakisay cusboonaysiinta Iqaamada [Dal ku joogga] la siiyay Soomaalida ku nool wadanka Imaaraadka, oo isagu jira dad Ganacsato ah, kuwa si caadi ah ugu nool  iyo kuwa shaqooyin ka haya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in System-ka Socdaalka [Immigration] UAE laga saarey barnaamijka Fiisooyinka loogu soo saari jiray dadka wata Baasaboorka Soomaaliya.

Arintan ayaa jawaab u ah falkii ceebeynta ahaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya kula kacday Diblomaasiyiinta Imaaraadka ee la socday Diyaaraddii siday lacagta loogu tala galay Ciidamada dowladda ee lagu qabtey 8-dii bishan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Go'aanka cusub ee dowladda Imaaraadka ayaa saameyn xooggan ku yaalan kara kumanaanka Soomaalida ah ee ku sugan dalkaasi.

Dhanka kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameynaysa isku dayo ay ku qaboojinayso Xiisadda taagan, waxaana ay sheegtay inay wadahadal kula jirto Imaaraadka.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya intii uu Farmaajo ku sugnaa Sacuudiga ayaa lagu sheegay in lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho la xaqiijiyay in loogu tala galay Ciidamada, isamarkaana la fasaxayo.

Goor sii horeysay, Wasaaradda amniga ayaa tilmaantay in lacagta laga keenay Imaaraaka ay ka shakiyeen sidaasi darteedna ay baarayso halka loo waday, cida keentay iyo ujeedka laga leeyahay, waxaana la dhigay lacagta Bangiga Dhexe.

Dowladda Federaalka ayaa aad loogu dhaliilay qaabka ay u maareynayso xiriirka arrimaha dibadda, gaar ahaan midka Imaaraadka, oo ah Wadan dano badan shacabka Soomaaliyeed uga xiran yihiin.

Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay todobaadkan inuu joojiyay tababarka Ciidamada dowladda iyo bixinta mushaaraadkooda, waxaana uu kala soo baxay Muqdisho tababariyaashii ka joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM